Degdeg-Xildhibaanada Hirshabelle oo goordhaw doortay Madaxweyne Ku xigeen

37

Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Maxamed Maxamuud Cabdulle iyo Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle u doortay inuu noqdo Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, isagoo helay 87 Cod.

Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa isna helay Codad gaaraya ilaa iyo 12 Cod, isla markaana ma jirin Codad halaabay oo ay dhiibteen Xildhibaanada Maamulkaas.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Cabdixakiin Luqmaan Xaaji ayaa shaaciyay natiijada Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka, waxaana ku guuleystay xilka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Maanta Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle u doortay inuu noqdo Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe oo helay Codad gaaraya 87 Cod, waxaana uu noqonayaa Madaxweynaha saddexaad ee maamulkaas uu yeeshay.