Degdeg:Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Degmada Doolow Gobolka Gedo .

35

Wararka naga soo garaya Gobolka Gedo ayaa waxaa ay Sheegayaan in Ciidamadda Ethiopia ay isaga baxey Degmada Doolow ee gobolka Gedo kadib markii dalka Ethiopia xiisad dagaal uu galay iyada oo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed amray in tallaabo milatari laga qaado gobolka Tigreega.

Goobjoogayaal ku suagn Magaalada Doolow ayaa waxa ay Sheegayaan in la arkayay Ciidamo Badan oo isga baxaya Gobolka isla markana u sii jeeda dhanka Xadka labadda Dal u dhaxeeyo

Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ayaa waxaa ay ku sugan yihiin Gobolka Gedo kuwaasi oo hadda la soo sheegayo in qeyb ahaan ay ka baxeyn degmada Doolow