Degdeg:Shil Gaari oo ka dhacay Muqdisho.

32

Faahfaahin dheerad ah ayaa laga helayaa Shil khasaare dhaliyay oo goordhaweyd ka dhacay magaalada Muqdisho gaar haaa degmada Boondheere ee Gobolkani Bnaadir, waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay Shilka.

Wararka ayaa tilmaamaya in Shilkan oo dhacay kadib markii ay isku dhaceen Gaari  Caasi ah oo dad Rakaab ah ay saarnayeen iyo Gaari weyn oo ah nooca Xamuulka qaada, kaasi oo Baakin ku ahaa waddada geeskeeda.

Goobjoogaal ku sugan goobta ayaa Shabakada Najahonline.net u sheegeyn in Shilka uu si gaar ah uga dhacay Taallada dajirka Dahsoon ee degmada Boondheere, waxaana Gaariga Caasiga ah (B L)  saarnaa dad Rakaab ah  kawaasoo kasoo raacay Isgooyska Afarta Darjiin, waxaana uu kusii jeeday degmada Xamarweyne.


Wararka ayaa sheegay in afar Qof ay ku dhaawacantay oo uu ku jiro wadihii gaariga, dadka ku dhaawacmay Shilka ayaa waxaa loola cararay goobaha Caafimaadka ee ka agdhaw halka uu shilku ka dhacay.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii Darawalka uu Gaariga xakamayn waayay ka hor inta uusan shilka galin, waxaana taasi ay keenyay in uu ku yimaado Gaari Xamuul ah oo yiillay wadada geeskeeda, waxaana bur-bur xooggani uu soo gaaray Gaariga Rakaabka ahaaa ee ka yimid dhanka Darjiinka.