Degmada Afmadow oo yeelatay gudoomiye cusub

77

Doorashada Duqa degmada Afmadow iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta ka dhacday Xaruunta degmadaasi

 Duqa degamada waxa u taagan oo u tartamayay  ilaa iyo sedeex  musharax halka jagada ku xigeenka ay u tartamayeen  todoba qof waxana ku  jirta  hal Dumar.

Markii doorashada la guda galay ayaa waxa wareegii kowaad ay musraxaiinta ay codadka u kala heleyn qaabkaan

Maxamed Amiin 13

Maxamed Cabdullaahi Xaashi 6

Yuusuf Xasan Xuseen 2

Maxamed Cabdullaahi Cusmaan (Maxamed Amiin) ayaa noqday gudoomiyaha degmada Afmadow, kaddib markii doorashada ay u gudubtay wareega labaad ayna u tanaasuleen musharixiinta la tarmaysay ee kala ahaa Yuusuf Xasan Xuseen iyo Maxamed Cabdullaahi Xaashi.

Natiijada waxaa ku dhawaaqay Xamse Cabdi Barre gudoomiyaha gudiga madaxa banana ee xuduudaha iyo doorashada maamulka Jubbaland.

Waa degmadii ugu horreysay oo Golaha degaanka ay doortaan gudoomiye, waxaana sidoo kale Magaalooyin kale ka socda xulista golaha degaanka.

Doorashadaan ayaa waxa Goob joog ka aha amasuuliyiin ka sooctay dowlad federalka soomaaliya