Deni oo Amray dhaqan gelinta xakameynta Sicir bararka

51

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Amar ku bixiyay in la dhaqan geliyo go’aamadii ay soo saareen Guddigii uu u xil saaray xakameynta sicir bararka iyo socod siinta lacagta Shillin Soomaaliga

War qoraal ah oo lagu daabacay Bogga Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni u ku raacay in uu dhaqan galo Talooyinkii ay soo jeediyeen guddigii Arrimaha Sicirka Sarifka ee uu Guddoomiyaha u ahaa Madaxwaynihii hore ee Puntland  Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole

Qodobada Gudiga soo saareen waxaa ka mid ah

1: In cashuurta Dekadda lagu qabto 20% Shillin Soomaali.

2: In mushaharka shaqaalaha lagu siiyo 20% Shillin Soomaali.

3:In Adeegyada Lacagta mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) sidoodii lagu celiyo.

4: Sariflayaasha waa inay ruqsad haystaan.

5: In cashuuraha Dowladdaha hoose Shillin Soomaali lagu qaado.

6: In Sarifka uu jaangoynayo lana soconayo Bangiga Dowladdu.

7: In Kalsoonida isticmaalka Shillin Soomaaliga ay kawada shaqeynayaan Xukuumadda iyo Ganacsatada.

8: In Lacagaha ku badan Suuqa ee Shillin Soomaaliga ah lagu xereeyo Bangiga Dowladda, iyo in la mamnuucay lacag Loo kala raro Gobolada.