DF Oo Ciidamo Dheeraad Ah Geysay Xadka Soomaaliya & Kenya

54

Faaahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa gobolka Gedo kuwaasi oo tilmaamay in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa dowlada federalka soomaaliya la geeyay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Ciidamadan  oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in dhaq-dhaqaaqyo cusub ayka bilaabeen halkaasi.

Mas’’uuliyinta maamula Gobolka Gedo  ayaa sheegay in ciidamadaas ay sugi doonaan amniga xadka labada dal.

Dhinaca kale Ciidamadaasi ay yihiin kuwo horey uga howl-galayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaasi.

Dhaq dhaqaaqyadan cusub ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Kenya ay xad-gudubyo ka geysanayeen deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Ciidaamadan ayaa waxa ay ku soo aadayaan xili Ciidamada Kenya ay tacadiyadda kala duwan ay ka geesanayaan  xadka labadda dal isla markana ay dhowr jeer ay dad shacab ah ay ka afduubteen kuwaasi oo weli la layahay halka kuwa kalena ay dileyn