DF oo faah faahin ka bixisay shil diyaaradeed ooka dhacay Muqdisho

21

Diyaarad nuuca xamuulka qaada oo ay leedahay shirkadda Sky ward ee dalka Kenya ayaa ku burburtay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka Aadan Cadde.

Sii-hayaha wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in diyaaradda uu burburna uu ka soo gaaray qeybta hore kaddib markii ay ku dhacday derbi shub ah oo xayndaabka garoonka ah

Diyaaradda ayaa magaalada Baladweyne u qaaday xamuul, balse waxay dib ugu laabatay Muqdisho, markii cilladi soo wajahday, waxaana saarnaa 4-qof oo duuliyeyaasha iyo shaqaale isugu jira, waxaana soo gaaray 2-ka mid ah dhaawac fudud, iyadoo loo qaaday Isbitaal si loo daweeyo.

Diyaaradihii caalamiga ahaa iyo kuwii gobollada ka imaanayey hakad la galiyey ilaa galabta, waxaana hawlwadeenada garoonka diyaaradda ay diyaaradda ka wareejinayaan Run-wayga, 05, ee xalane xigta si aysan u xanibin diyaaradaha kale ee garoonka imaanaya.