DF oo qoraal kulul u dirtay taliska AMISOM, kadib dhacdadii Ceelwaaq

63

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal kulul u dirtay taliska guud ee ciidamada AMISOM, kaas oo la xiriira dhacdadii foosha xumeyd ee ay ciidamada Kenya ka geysteen tuulooyin hoos yimaada degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Qoraalkan oo ku qornaa luqadda Engilish ayaa waxaa looga dalbaday AMISOM inay si deg-deg ah baaritaan ugu sameyso dhacdadaasi oo dhalisay caro dadweyne iyo dibad-baxyo ka dhacay gobolka Gedo.