DF Soomaaliya Oo Amar Dul-Dhigtay Shirkadaha Shidaalka Dalka

26

Guddoomiyaha hay’adda batroolka Soomaaliyeed, Dr  Ibraahim Cali Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey arrimaha shidaalka dalka, xilli ay haatan Soomaaliya isku diyaarineyso soo saarista shidaalka iyo saliida uu Alle ku maneystay.

Dr Ibraahim Cali Xuseen ayaa sheegay in fursad muhiim ah ay heli doonaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda shaqo la’aanta ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in hay’adaha ka shaqeyn doono soo saarista shidaalka aysan ajnabi u qaadan doonin shaqo uu qaban karo qof Soomaali ah, islamarkaana ay ku dadaali doonaan dhaqan-gelinta amarkaasi.