Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Taliska ciidanka Mareykanka ee Africom ayaa howlgal cir iyo dhul ah ku qaaday deegaanka Basra ee gobolka Shabeellada hoose halkaas oo Al-shabaab fariisimo ku lahaayeen.
Howlgalka oo dhacay shalay galinkii dambe ayaa waxaa lagu bur buriyey fariisimihii kooxda ee deegaanka waxaana ciidanku ay sii daayeen maxaabiis badan oo u xirnaa sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay tiro saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.
Sarkaal ka tirsan saraakiisha howlgalka hogaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in khasaaro xooggan la gaarsiiyeen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab, waxaana sidoo kale nolosha lagu qabtay xubno lale oo ka tirsan kooxdaasi
Sidoo kale howlgalka ayaa waxaa lagu burburiyay maxkamad Al-shabaab ay ku leeyohiin deegaanka Basra .