DFS oo cambaaraysay Qaraxyadii ka dhacay Ciraaq.

31

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada ayaa lagu sheegay in weerarkaasi lagu dilay dad shacab ah oo ku sugnaa Suuq laga dukaameysto, islamarkaana walaalaha Ciraaq loo diraayo tacsi.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa labo is-qarxin argagaxiso fulaynimo leh oo lala beegsaday maanta suuq bulsho oo lagu iibiyo dharka celiska ah oo ku yaalla fagaaraha duulimaadka ee bartmaha Caasimadda Ciraaq ee Bagdaad, oo sababay geerida iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba galabsan”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arimaha dibada Soomaaliya.

Tirada dadka lagu dilay weeraro ka dhacay bartamaha magaalada Baqdaad ayaa kor u dhaaftay 35 qof, sida uu ku waramay TV-ga Al Arabiya, isagoo soo xiganaya ilaha ciraaq, wuxuuna intaa ku daray in ilaa 100 qof ay ku dhaawacmeen in kabadan.