DFS oo hawada ka celisay Diyarad u socotay Somaliland

133

Dowladda Soomaaliya ayaa Hawadda ka celisay diyaarad ka timid dhinaca dalka Kenya, kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Diyaaradda ayaa siday qaad fara badan oo ah nooca loo yaqaano Miirooga, Waxa ayna u rarneyd ganacsatado reer Somaliland, balse Waxaa Hawadda ka celisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo heshay xog-ta diyaaraddaasi, inta aysan dagin.

Si kastaba ha ahaatee tallaabadan ayaa sii xumeyn karta xiisadda dhinaca Hawadda ah ee Soomaaliya iyo Somaliland oo dhowaan ay wada-hadallo uga bilowdeen dalka Jabuuti.