Tuesday, December 7, 2021
Bogga Hore Wararka Manta DFS oo ka hadashay heshiiskii xabad joojinta laga gaaray Dagaalkii Gaza

DFS oo ka hadashay heshiiskii xabad joojinta laga gaaray Dagaalkii Gaza

40

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiiska xabad joojinta ee Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ka gaareen dagaalkii Gaza ka billowday 11-kii bishan oo geystay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta ayaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan heshiiska xabad joojinta laga gaaray dagaalkii Yuhuuda ka waday Gaza.

Dowladda ayaa mar kale caddeeysay mowqifkeeda iyo taageerada ay u heyso qadiyadda Falastiin, waxaana dowladda Federaalka sheegtay inay adkeyneyso baahida loo qabo dhismaha dowlad madax banaan oo Falastiin ay leedahay.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa heshiiska xabad joojinta Gaza ee la gaaray, kaasi oo dhaqangalay aroornimadii Jimcada 21 May, waxa ay markale ku dhawaaqaysaa mowqifkeeda iyo taageerada sugan ee ay u heyso qadiyadda Falastiin, waxayna adkeyneysaa baahida loo qabo dhismaha dowlad madax banaan oo Falastiin ay leedahay oo qarannimadeedu dhammaystirantahay iyadoo la raacayo go’aannada sharci ee caalamiga iyo Hindisaha Nabadda ee Carabta” ayaa lagu yiri Qoraalka Dowladda Somalia.

hHeshiiska xabbad joojinta ay gaareen Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa waxaa uu dhaqan galay gelinkii hore ee Jimcihii lasoo dhaafay, waxaana xasilooni laga dareem Gaza iyo Israel, iyadoona ay xusid mudan tahay inay dhaceen weeraro dad badan oo Falastiin ah lagu dilay, halka kuwo kalena lagu dhaawacay.