Sunday, November 28, 2021
Bogga Hore Wararka Manta DFS oo ku dhawaaqday tallaabo culeyska looga qaadayo degaano u go’doonsan Al-Shabaab

DFS oo ku dhawaaqday tallaabo culeyska looga qaadayo degaano u go’doonsan Al-Shabaab

76

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markale waxaa ay ugu baaqday xubnaha ka barbar dagaalama Ururka Al-Shabaab inay isaga soo baxaan iskuna soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku sugan degmada Waajid  ayaa sheegay in Al-shabaab ay culeys ku

Xukuumada omaaliya ayaa markale waxaa ay ugu baaqday xubnaha ka barbar dagaalama Ururka Al-Shabaab inay isaga soo baxaan iskuna soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku sugan degmada Waajid  ayaa sheegay in Al-shabaab ay culeys ku hayaan Ururka Al-shabaab

Waxaa uu sheegay in Al-shabaab  ay cunaqabateyn saareen degmada Waajid iyo degaannada kale ee hoostaga, waxaana uu ugu baaqay inay culeyska ka qaadaan degmada, isla markaana ay isaga soo baxaan Al-Shabaab.

Wasiir Jaamac waxaa uu si cad u sheegay in Dowladda Soomaaliya & Maamulka Koonfur Galbeed ay siwadajir ah go’doonka ay saareen al-Shabaab uga qaadi doonaan degmada Waajid & degaannada hoostaga.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degmada Waajid & degaano kale oo ka tirsan Gobolka Bakool ay u go’doonsan yihiin Al-Shabaab