DFS oo sheegtay in duqeyn ka dhacday shabeelooyinka lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

41
In ka badan 25 kamid ah dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa lagu dilay halka 15 kalana lagu dhaawacay, kadib duqeyn  lala beegsaday saldhig Al-shabaab ku lahaayeen inta u dhexeysa Afgooye iyo Balcad ee gobolada shabeelooyinka, sida ay sheegeen saraakiisha xoogga dalka.

Sareeyo guuto, Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgal saacado qaatay lagu dilay sarkaalkii Alshabaab u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Balcad iyo Afgooye, sidoo kale waxaa la burburiyay saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in howlgaladan ay ka mid ahayd duqeyn cirka ah oo loo geystey deegaano ay ka mid yihiin, Basra iyo Daniga Baallow