Taliyaha Ururka 15-aad ee Kumaandooska GorGor Maxamed dhakawayne ayaa xaqiijiyay in ay Ciidamadu gacanta ku hayaan, Qori hoobiye ah, gaari ay wateen kooxda weerarka soo qaadey, qoryo fudud oo ay kujiraan 2-BKM, nin dhaawac ah iyo 8-meyd ah oo ay ka carareen.
Taliyaha ayaa warbaahinta u soo bandhigay hubkii ay ka furteen Al-Shabaabkii iyo Meydadka xubno uu sheegay in ay ka tirsansan yihiin Al- Shabaab.
Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay maanta ay howlgalo ka sameyn doonaan deegaano hoostaga Magaalada Dhuusamareeb, si ay ugu hortaga weerarada Alshabaab