DFS Oo Si Kulul Uga Hadashay In Ciidamo Somaliyeed Ka Dagaalameen G/Tigray

43

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay warar maalmihii lasoo dhaafay lagu faafiyey baraha Bulshada ee ku saabsanaa in Ciidamo Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eratariya ay ka dagaalameen Gobolka Tigree-ga ee Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlaayay Telefashinka Qaranka ayaa beeniyay wararka laga faafiyay Ciidanka Soomaaliyeed ee la xiriiray inay ka dagaalameen Tigree-ga, isagoo wararkaas ku tilmaamay kuwo been abuur ah.

Waxaa uu sheegay Wasiir Dubbe oo afkiisa ka dhowray dalka Eratariya in nasiib darro ay tahay in Ciidanka Xoogga dalka laga dhex raadiyo arrimo siyaasadeed, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin Ciidamo ka dagaalamay waqooyiga dalka Itoobiya