Dhacdo Naxdin leh Nin Si arxan darro ah u dilay Hooyadiis

33

Nin dadiisa lagu qiyaasay 40 Sanno jir lana tilmaamay  inuu soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya ayaa la sheegay inuu tooreey ku dilay hooyadiis oo lagu magacaabi jiray Maamo Salaado Suudi Ciid xili ay kusugneed hoygeeda oo kuyaala xaafada Wajeer ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir

Ninka toorayda ku hubeysnaa ee la sheegay inuu dilay hooyadii ayaa dhaawac ugeestay wiil la dhashay oo kusoo baxay dhacdada iyo waliba nin kale oo la tilmamay inuu daris la ahaa waxaana lasheegay in tiro ku dhow shan jeer uu tooreeyda kaga dhuftay feeraha iyo wadnaha xagiisa

Ninka ayaa latilmaamy inuu isku dayay inuu kabaxsado goobta uu falka ugu geystay hooyadiis balse ciidamada amaanka oo kusoo baxay dhacdadani ayaa rasaas ay ku fureen ugeesatay dhaawac kadib markii uu isku dayay inuu si xoog ah uu kaga baxsado ciidamada haatanna waxaa lagu dabiibayaa mid kamid ah isbitaalada kuyaala magaalada muqdisho

Xasan oo kamid ah dadka deegaanka aadna ay isugu dhaw yihiin hooyada falka dilka uu ugeestay wiilkeeda ayaa faafahin ka bixiyay sida ay wax u dheceen

Dhinaca kale Wararka ayaa tilmaamaya in meydka hooyo Salaado Suudi Ciid loo soo qaaday dhanka dambi baarista si baaritaan loogu sameeyo

Somalia ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa si weyn ugusoo batay dhacdooyinka iyo dilalka foosha  xun kuwaasi oo ugub ku ah gayigeena somalia