Dhacdo Naxdin Leh oo Muqdisho Ka dhacday

74

Wararka laga helayo degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in Askari katirsan Police-ka Soomaaliya uu  gabar yar wadnaha xabad kaga dhuftay.

Dhacdadaan ayaa waxaa ay ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan xaafada (Godka).

Sida dadka goobjooga  ka ahaa falkaani ay sheegayan in Askariga oo qaab hiillo ah u soo raacay nin labo habeen ka hor lagu garaacay xaafadaas markii isagoo wax xadaya la qabtay ayaa dadka degaanku ku xoomeen kadibna rasaas ayuu si aan kala go’lahayn u riday ka gadaalna  waxay ku dhacday gabadha yar ee geeriyootay.

Qoyska gabadha ayaa ka soo jeeda dadka laga tira badan yahay, wax aan ka ahayn inay murug la ilmeeyaana kuma sugna hadda.

Maalmihii la ugu dambeyey waxaa magaalada Muqdisho Ku soo badanaya askarta dadka shacabka ay sida araxan darrada ah ugu  rasaaseyo xafaadaha magaalada Muqdisho

Dhinaca kale ilaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi iyadoo weli aysan ka hadlin maamulka gobolka iyo kan degmada