Wasiirka Wasaaradda Maaliyada KGS oo Saxiix la galay Companyga Dhisaya Garoonka K/cagta Dr Ayoub ee Baydhabo.

49

Wasaaradda Maaliyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliyed ayaa maanta ku Wareejisay Dhaqaalaha Lagu dhisayo Garoonka kubada cagta Dr Ayoub ee Magaalada Baydhabo Shirkadda Qaadatay Qandaraaska dhismaha

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Axmed Maxamed Xuseen oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa Saxiix la galay Companyga Dhisaya Garoonka kubada cagta Dr Ayoub ee Magaalada Baydhabo.

Shirkaddaan ayaa waxa qaadatay qandaraaska lagu dhisayo Garoonkaan ayaa Sheegtay in qaab casri ah  oo la mid ah garoomada Caalamka ay u dhisi doonto

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowlada Koonfur Galbeed  ayaa waxa ay ku wareejisay Dhaqaalihii Lagu dhisilahaa garoonkaan .

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Axmed Maxamed Xuseen ayaa Sheegay in sababta ay dib ugu dhacay garoonka in uu ahaa iyadoo dhaqalaah ay markii hore wasaaradda ay heysay aha mid aad u yar balse Madaxweyanha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ugu Deeqay lacag kale uu lagu dayactirayo garoonka

Wasiir Axmed Maxamed Xuseen ayaa sheegay in qorsheynayan in ay dhisaan Garoome kale oo ka mid ah degmooyinka Maamilka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Ugu dambeyntii  wasiirka ayaa waxa uu tilmaamay in marka la dhameeyo dhismaha Garoonka kubada cagta Dr Ayoub ee Magaalada Baydhabo in uu ka qeyb qaadan doono is dhex galka bulshada siiba dhalinyaradda