Dhismaha wadooyinka dhexmara Degmada Afgooye oo meel fiican maraya

164

Dib u dayactirka wadooyinkaani oo ay iska kaa shanayaan Maamulka gobolka Shabeelada Hoose iyo maamulka Degmada Afgooye ayaa wili ka socdo wadooyinka dhexmara degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Dib u dhiska wadooyinkaani ayaa waxaa maamulka gobolka uu la kaashanayaa maamulka degmada iyo ganacsatada degmada Afgooye,iyadoo howlaha dhismaha wadooyinkaasi si habsami leh ay u socdaan kuwaasi oo soo bilowday asbuucyo ka hor.

Maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa qeeyb weeyn ka qaadanaya dib u dayactirka iyo dhisida wadooyinkaasi degmada Afgooye, waxaana gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibrahim Adan Ali Najah uu horay u balan qaaday in wadooyinka iyo goobaha muhiimka u ah gobolka sida ugu dhaqsiyaha badan loo dayac tiri doono ayadoo wadooyinka Afgooye maamulkiisa uu hormarin balaaran ku sameyn doono.

Gudoomiyaha gobolka shabeelada hoose ayaa si doo kale qorsheynaya in markii ay dhameeyaan dhisada wadooyinka dhexmara degmada Afgooye ay si doo kale dhisi doonaan wadooyinka muhiimka u ah isku socdoka gobolka waxaana uu qorshahaan ku sheegay mid laf dhabar u ah hormarka Gobolka Shabeelada Hoose,

Ugu Dambeyn ganacsatada ,shacabka iyo maamulka degmada Afgooye ayaa uga mahad celiyay gudoomiye Najah iyo maamulkiiisa sida ay uga go’tahay in wadooyinka Afgooye ay noqdaan kuwo hormarsan oo dhisma balaaran lagu sameeyo.