Dhismo lagu bilaabay Wadooyinka Dhexmara Degmada Afgooye

181

Maamulla gobolka Shabeelada Hoose ayaa hor kacaya dedaalo dib u dhis xoogan loogu sameenayo wadooyinka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Dib u dhiska wadooyinkaasi waxaa maamulka gobolka uu la kaashanayaa maamulka degmada iyo ganacsatada degmada Afgooye,iyadoo howlaha dhismaha wadooyinkaasi si habsami leh ay u socdaan.

Maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa maal galinaya dhismaha wadooyinkaasi degmada Afgooye,iyadoo horay gudoomiye Ibrahim Adan Ali Najah uu u balan qaaday in dhismaha wadooyinka Afgooye maamulkiisa uu hormarin balaaran ku sameyn doono.

Sidoo kale maamulka gobolka Shabeelada Hoose oo uu hogaaminayo gudoomiye Najah ayaa dhismaha wadooyinka degmada Afgooye kadib waxay qorsheynayaan in dib u dhis lagu sameeyo wadooyinka dib u dhiska u baahan ee degmooyinka gobolka Shabeelada Hoose.

Si kastaba ha’ahaatee ganacsatada ,shacabka iyo maamulka degmada Afgooye ayaa uga mahad celiyay gudoomiye Najah iyo maamulkiiisa sida ay uga go’tahay in wadooyinka Afgooye ay noqdaan kuwo hormarsan oo dhisma balaaran lagu sameeyo.

Geedi socodka nabadda iyo hayaanka hormarka oo ka curtay deegaanada iyo degmooyinka gobolka Shabeelada Hoose, iyadoo maamulka gobolka uu ku howlanyahay sidii degmooyinka iyo deegaanada Shabeelada Hoose dhanka bilicda ay kula tartami lahaayeen deegaanada iyo degmooyinka guud ahaan gobolada dalka.

Ugu danbeyn dhamaan dedaaladaasi oo is biirsaday ee maamulka gobolka Shabeelada Hoose uu wado sidoo kalana uu hormuud ka yahay gudoomiyaha ayaa mudane Najah ka dhigeysa gudoomiyihii ugu saameynta badnaa ee gobolka Shabeelada Hoose uu yeesho taariikhda la xusuusto,marka laga shidaal qaato aragtida dadweynaha iyo dedaalada aan indhaha laga qabsan Karin ee gudoomiye Najah uu ka wado deegaanada iyo degmooyinka Shabeelada Hoose,isagoo si gaar ah hormarin ugu sameenaya deegaanadii ugu danbeeyay ee ciidanka xooga dalka ay ka saareen gacanta dagaalyahanda Al-shabaab,iyadoo deegaanadaasi xiligan laga dareemayo hormar badan oo dhanka bilicda,amaanka,ganacsiga iyo is dhex galka bulshada.