Dhul gariir ku dhuftay dalka Turkiga.

41

Dhul gariir xooggan ayaa ku dhuftay magaalada dhacda galbeedka Turkiga ee Izmir, waxaana la sheegey in dhulgiriirkaas lagu qiyaasey 6.6 .

Dhul gariirkan Waxaa laga dareemay dhul gariirkan qeybo kamid ah dalalka Turkiga iyo Gariiga, waxaana socda gurmad xoogan oo loo fidinayo dadka ay waxyeelada kasoo gaartay dhul gariirkan.

War kasoo baxay dowlada Turkiga ayaa lagu sheegay in dhul gariirkan sababay in dhismayaal badan soo dumeen, waxa ayna dowlada sheegtay in ay jiraan dad badan oo ku hoos jira dhismayaal kusoo dumay dhul gariirkan.

Dad ku dhaw 10-qof ayaa wararka horu dhaca ah sheegayaan in ay ku dhinteen dhul gariirkan, waxaana suurto gal ah in khasaaraha inta hada la ogyahay uu kasii bato lana helo meydadka dad wali nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa wado gurmad loo fudinaayo dadkii waxyeelada soo gaartay.