Dhuusamareeb oo laga xusay Munaasabadda 26-ka June (SAWIRRO)

121

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa saqdii dhexe ee xalay looga dabaaldegay sanad guurada 60aad ee ka soo wareegatay, markii Gobolada Waqooyi ka xoroobeen gumeystihii caddaa ee Ingiriiska.

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Galmudug, waxaana ka soo qaybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka, kan Degmada, Saraakiisha Ciidamada Qalabka, Amisom iyo qaybaha kale ee bulshada.

Saacadda markii ay ku beegneyd 12:00am ayaa Calanka Jamhuuriyadda Somaliya laga taagay Madaxtooyada Galmudug, iyadoo lagu xusaayay 26-kii June, 1960-kii, markaasoo markii ugu horeysay Calanka Soomaaliyeed ee baluugga ahi laga taagay Magaalada Hargeysa.

Cali Daahir Ciid, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta halgankii adkaa ee loo soo maray xornimada Gobolada Waqooyi, xilli afar maalmood ka dibna ay xoroobeen Gobolada Koonfureed, midowgii iyo israacii Gobolada Koonfurta iyo Waqooyiga ee 1dii Luulyo, 1960-kii.