Dib u dhaca Soo Magacaabista Golaha Wasiiradda oo dib u dhigi karta Heshiiskii Doorashada Dalka

29

Ra’iisul wasaaraaha Xukumada Federalka  Soomaaliaya Maxamed Xuseen Roob  ayaa waxa laga war dhowrayaa xiliga uu soo magacabayo Golahiisa wasiiradda Cusub  ee ka mid noqonayo xukumadda uu soo dhisidoono iyadoo mudada soo magacabista wasiiradda cusub  ay wax yar ka harsan yihiin.

Sida uu sharciga dhigayo Ra’iisluwasaarah ayaa waxa uu fursad u heysta in muddo 30 cesho ah uu ku soo dhiso golaha wasiiradda cusub  .

Dadka ka faallood arrimaaha siyaasadda Soomaaliya ayaa waxaa ay qabaan in taasi ay dib u dhigi karto xiligii loo qabtay in wadanka uu doorasho galo taaso qorsha uu yahay in bisha soo socoto la  soo doorto xildhibaanada aqalka sare.

 Barlamanka golaha shacabka ayaa  waqtigaasi waxaa uu galaya ololo doorasho balse waxaa  ay tilmamayana in taasi ay dib u yara dhigi doonto heshiiskii lagu heshiyay oo ay wada gaareen maamul goboledyadda iyo dowlada dhexe

Aqoon yahayanadda Soomaaliyed waxa uu qabaa in dib u dhac walba uu ku yimaada soo magacabista gole wasiiro in ay dib u dhigi karto waqtiga ay doorasho ku dhici karto waxana  ay tilmamaeyn in xitaa ay adkaan karto sida ay ku ansixiyaan Barlamanka xukumdda rooble u soo dhisidoono .

Siyaasi Maxamed Nuur Caalim ayaa waxaa uu sheegay in muddo 10 cesho uu heesto ra’iisul-wasaaare   Maxamed Xuseen Rooble uuna ka faa’ideysto mudada yar ee u hartay waxana uu sheegay in weligeed ay dhici jirtay in dib udhacdo doorashada oo ay muddo bil ah ay ku dhawaato in la soo dhiso gole wasiiro

Sidoo kale waxa uu sheegay in weli la isku heysto cida noqoneyso gudoomiyaha gudiga doorashooyinka taaso sheegay inay sababi karto in dib u dhac ku yimaado xilliga la qorsheeyay in doorashada  waqtigeeda ku dhacdo hadii aan la xalin qilaafka siyaasig ah

Ra’iisulwasaare Rooble  ayaa waxa uu horey u balanqaaday in xukumadiisa ay ka shaqeyn doonto sidii doorashada ay u qabsoomi laheyd  balse waxaa mooda in ay ka soo horeyso in marka hore uu soo dhiso xukumad taye leh oo gudan karta waajibkaasi adag ee horyaala