Dibad Bax Weyn Oo Maanta Ka Dhacay Baydhabo

140

Dibad bax balaaran oo looga soo hor jeedo fal kufsi ah oo lagula kacay laba wiil oo yar yar ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Dibad baxa ayaa waxaa kasoo qeyb galeyn inta badan shacabka magaalada Baydhabo iyagoo muujiyay sida ay uga xunyihiin falkaasi.

Qeybo badan oo kamid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada Baydhabo waxaana dibad baxayaasha ay isugu jireen dhalinyaro,odayaal iyo haweenka magaalada Baydhabo.

Qeybaha kala duwan ee bulshadii ka qeyb gashay dibad baxa ayaa ka codsatay maamulka Koonfur Galbeed in ciqaab adag la marsiiyo ragii geystay kufsi dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo.

Ugu danbeyn maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo C/Caziiz Lafta Gareen ayaa mawqif cad oo toogasho ah ka taagan cid walba oo kufsi geysata,taas oo muujineysa sida maamulka madaxweyne Lafta Gareen ay cadaalada sare ugu qaadeen.