Dibadbax lagu tageerayo Nabi Maxamed NNKH loogana soo horjeedo Faranciiska oo ka dhacay Burco

25

dibadbax looga soo horjeedo dalka Faransiiska ayaa ka dhacay Magaalada Burco ee Somaliland

Dadka dibadbaxa dhigayay  ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah Madaxweynaha Faransiiska, iyaga oo sidoo kale gubayay sawirka madaxweyne Emmanuel Macron .

Dhinaca kale  ganacsatada magaalada Burco  ayaa  sheegay inay joojin doonaan badeecada ka timaadda Faransiiska.

Ololaha qaadacaadda alaabta uu soo saaro Faransiiska ayaa ku baahay dalal badan oo Carab ah, taa oo ka dhalatay hadalkii Madaxweynaha dalkaas Maron ee ka dib weerarkii lagu dilay macallimkii ardeydiisa tusay sawir lagu sheegay Nabi Maxamed NNKH.

Maamulka  magaalada Burco ayaa tilmaamay in bannaanbaxu uu markii hore ahaa mid yar, balse ay marba marka ka dambeysay dadku soo kordhayeen.

arrintani  ayaa ku soo aadeyso kaddib markii 16-kii bishan Oktoobar gudaha Faransiiska lagu dilay macalin la oran jiray Samuel Paty kaasi oo aflaqaado u geestya Nabigeena Maxamed  NNKH