Dibadbax Rabshado Wato oo ka Dhacay Dowlad Deegaanka Itoobiya

56

Dibad bax ballaaran ayaa ka dhacay  Qeybo ka mid ah dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya  waxana lagu soo Waramayaa in banaanbaxu uu sii xoogaystay kadib markii ay isku soo bexen dadweyne aad u  farabadan oo ka qayb galaya Dibad baxa.

Shacab careysan oo ka xun dhul ballaarsi uu hormuud u yahay Madaxweyne Mustaf Cagjar, ayaa ka socda qeybo ka mid dowlad deegaanka Itoobiya

Madaxweyne Cagjar ayaa uu adeegsanayaa sida la tilmaamay  Ciidan aad u farabadan oo dhul ballaarsi xooggan ka wada degaanka, taasoo sababtay in maanta ay shacabkaasi isku soo baxaan iyagoo Muujinaya Dareenkooda ku aadaan arrintaasi.

Qaar ka mid ah dadkii dhigaya dibadbaxa  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin tallaabada uu Maadxweynaha dowlad degaanka Soomaali Itoobiya ka wado degaanka, waxaana ay ku adkeysteen  in ay sii wadi doonaan dibadbaxa  tan iyo inta uu ka waantoobayo Madaxweyne Cagjar falalka uu ka wado degaanka sida ay hadalka u dhigeen .

Arintaan ayaa laga  cabsi qabaa in ay  sababto dagaal sokeeyo oo halkaasi ka dhaca hadii ay,shacabka banaanbaxa dhigaya sii wadaaan rabshadaha.

Bilihii ugu dambeyey ayaa waxaa soo baxayay dareen carro leh oo ay muujinayaan shacabka ku nool dowlad deegaanka dalka Itoobiya.