Digniin loo diray Banaanbaxyasha Beledweyne

45


Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Beledweyne ee gobolka Hiiran laba Xidigle Maxamed Qorsheele oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu sharci daro ahaa banaanbaxa, maanta ka dhacay Beledweyn.

Taliyaha ayaa sheegay in aan la soo marsiin lana ogeeysiin laamaha Ammaanka Magaalada Beledweyne.

Laba Xidigle Maxamed Qorsheele ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin banaanbax aan lagu wargelin laamaha Amniga, waxaana uu digniin culus u diray dadka wada abaabulka banaanbaxyo kale.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga xun yihiin falka lagula kacay, isla markaana ay doonayeen inay dareenkooda ku muujinayaan inay muhiim tahay dhisida Hir-Shabeelle la wada leeyahay.

Maalinimadii Shalay degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle, hayeeshee ilaa iyo hadda aysan jirin cid dheg jalaq u siisay dadka banaanbaxayaasha ah.

Dibadbaxayaasha ayaa waxaa ay dhankooda sheegeyn in ay sii wadi doonan banaanbax ilaa iyo inta laga xalinaayo cabashadooda.