Diiq dilay Sargaal Boolis ah waa dhacdo yaableh.

29

Warbaahinta dalka Filibiin ayaa daabacday in Sarkaal taliye ka ahaa saldhig ku yaal magaalada Samar ee waqooyiga dalkaasi uu u dhintey dhaawacyo uu gaarsiiyay diiq ku sugnaa garoon ay ku dagaalamayaal diggaaga.

Warabaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in Sarkaalkan oo lagu magacaabo Christine Bolok ayaa waxaa dhaawacday mindi af badan oo aalaaba lugta loogu xiro diiqyada dagaallamaya.

Mindida ayaa jartay cajarkiisa bidix, iyadoo goysay halbowle halis ah,Kaduna uu u geeriyooday intii isbitaalka loo sii waday.

Sarkaalka booliiska ee geeriyooday ayaa isku dayayay inuu soo xiro dadkii goobjoogga ka ahaa tartanka.

Kahor inta uusan dillaacin coronavirus, munaasabo gaar ah oo keliya ayaa loo oggolaa in la qabto tartanka diiqa

Balse Dagaalka diiqa ayaa laga mamnuucay dalka Filibiin inta uu socdo xanuunka safmarka ah.