Dil Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

19

Wararka aan ka heleyno Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Ceyn dhinaca Puntland ayaa waxaa ay ku warramayaan in saacadihii lasoo dhaafay gudaha Magaaladaas lagu dilay Nin la sheegay inuu shacab ahaa.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa toogtay Ninkaas, xili uu kusii jeeday hoygiisa, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inuu u geeriyooday rasaas dhowr ah oo qeybaha sare ee jira looga dhuftay.