Dil Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

59

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa nabadsugida ee Dharcadka oo duhurnimadii Maanta lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag ku hubeysnaa Bastoolado ay dileen laba Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, mid kalena dhaawac u geystay, xili ay ku sugnaayeen meel ku dhow Busteejo laga raaco gaadiidka oo ku taalla Suuqa Bakaaraha.