Dilki Shigshigow,oo rag loo qabtay & arrimo ka soo baxay sababta dilkaasi

168

Kooxo hubaysan ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta Gobbolka Jubada Hoose ku dileen madixii shirkadda Amal ee Jubooyinka Cabdullahi Cabdisalaan Shigshigow, waxaana Jubbaland ay sheegtay in dad loo qabtay dilkaas oo Duhurnimadii  Maanta  dhacay .

Faahfaahino laga helayo Dilka Marxuum Cabdullahi Shigshigow Ayaa sheegayo in maamulaha ay bartamaha Magalada ku dileen dablay ka Caraysan Dilkii Ganacsade lagu magacaabi jiray Kaafi raabi kaahin oo kismayo Naftiis halige Isku qarxiyey

Taliyaha Saldhiga Booliska magaaalda  Kismaayo ee maamulka Jubaland Warsame Axmed Geelle ayaa sheegay in dilkaasi uu fuliyay Nin watay Qoray nooca AK47 ah, xilli marxuumka la dilay uu ku wajahnaa Masajiidka Xaafada Calanleey si uu ugu dukado Salaadii Duhur.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska Magaalada ay sameeyeen howlgallo kala duwan, isla markaana ay qabteen dad dhowr ah oo ay ku tuhmayaan inay ka dambeeyaan dilkaas.

Marxuum Cabdulahi waxaa toogasho ku Dilay Dablay  isagoo masjidka u socda Si uu Waa Jibka alle u soo guto ,