Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo degtay diyaarad sida tallaalka loogu tala-galay in loo qaato Cudurka halista ah ee COVID-19 oo kusoo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya.
Diyaarada ayaa tallaalka Cudurka COVID-19 ka keentay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, waxaana markii tallaalka yimid Muqdisho la wareegtay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda.
- Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa lagula wareejiyay dowladda Federaalka, isla markaana waxaa halkaas ku sugnaa Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, Wasiir Fowsiya Abiikar Nuur iyo xubno kale.