Diyaarad Sidda Meydka Marxuum Cali Khaliif Galayr Oo Soo Gaartay Magaalada Muqdisho

57

Diyaarad sidda Meyka ra’isul wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda  {AUN} Cali Khaliif Galeydh oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Jig-jiga ayaa hadda la soo gaarsiiyey.

Meydka Allaha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr, oo khamiistii ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee dhulka dowlad deegaanka Soomaali-Galbeed ayaa goordhaw laga soo dejiayay garonka Aaadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaa meydka ku sugayay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya , iyadoo haatan ay socoto salaadda Janaasada iyo sidoo kale Aaska meydka oo ay ka qeyb qaadanayaan inta badan madaxda dowladda federaalka.

Wararka soo baxayay saacadihii u danbeeyay oo ku aadan geerida marxuum Cali Khaliif ayaa sheegaya in lagu sameeyay baaris sababta dhimashada, balse aan la shaacin natiijada.

Sidoo kale mar baaritaanka wax laga weydiiyay wasiirka kalluumeysiga Soomaaliya oo kamid ah guddiga aaska Qaran ee marxuum Galayr ayuu sheegay in aan meydka lagu baareyn Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaa meydka ku sugayay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya , iyadoo haatan ay socto salaadda Janaasada iyo sidoo kale Aaska meydka oo ay ka qeyb qaadanayaan inta badan madaxda dowladda federaalka.