Thursday, September 23, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Diyaaradaha Dagaalka Israel oo duqeeyey Koonfurta Lubnaan

Diyaaradaha Dagaalka Israel oo duqeeyey Koonfurta Lubnaan

16

Waaberigii hore ayey Diyaaradahaasi duqeeyeen goob la sheegay inay yaalleen qalabka laga gano Gantaalada ee shalay lagu duqeeyey gudaha Israel.

Telefishinka AL-MANAAR ee Ururka Xisbullaahi ayaa sheegay inay Diyaaradaha Israel 2 weerar ku qaadeen duleedka Degmadda Maxmuudiyag oo qiyastii 12 KM ka fog Xuduudka Israe

Telefishinka ma uusan soo hadal-qaadin haddii ay khasaaro ka dhasheen Duqeymahaasi, lamina oga inay ka fal-celin doonaan.

Shalay ayey ahayd, markii ay Lubnaan iyo Israel Gantaalo is-weydarsadeen, iyadoo ay dhowr Gantaal ku dhaceen gudaha Israel, halka ay 7 kalena ku habsadeen Koonfurta Lubnaan.