Diyaaradii waday Gudoomiyaha Barlamaanka Hirshabelle oo hawada ku ciladowday.

47

Diyaaradii waday Gudoomiyaha Barlamaanka Hirshabelle oo hawada ku ciladowday.

Diyaarada ayaa ka duushay garoonka Magaalada Jowhar waxaana ay kusii jeeday Beledweyne.

Diyaarada waxaa ku timid cillad xagga matoorka ah, waxaana ay si degdeg ah uga dagtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Cilad farsamo ayaa ku timid diyaaradii siday wafdigii  uu hogaaminayay Gudoomiyaha Barlamaanka Hirshabelle Dr.Cabdixakiim Luqmaan kuna wajahneyd Magaalada Baladweyne

Waxaa lagu waddaa Gudoomiyaha in uu ka duulo Muqdisho uuna gaaro Beledweyne, maadaama ay halkaasi ka taagan tahay hub aruuris ay sameynayaan maleeshiyaad kasoo horjeedda maamulka Hirshabeelle.