Diyaarado Caalami Ah Oo Hakiyay Duulimaadyadoodii Muqdisho Iyo Sababta

97

Diyaaradaha caalamiga ee Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ayaa baajiyay duulimaadyadoodii Maanta oo sabti ah ku imaan lahaayeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Warar la helayo ayaa sheegaya in sababta ay u joojiyeen Shirkaddaha diyaaradahaas duulimaadyada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay mid la xiriirta rabshadihii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Caasimadda dalka.

Dadka rakaabka ah ee goorsii horeysay goostay tkidhada diyaaradaha caalamiga ee Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ayaa lagu wargeliyay in la hakiyay  duulimaadyadii Muqdisho ay ku tigi lahaayeen.