Diyaarado dagaal oo lagu arkay Hawada Gobolka Gedo

49

Degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo waxaa Saakay lagu arkay diyaarado Nooca Qumaatiga u kaca ah oo dul heehaabaya degmooyinka tirsan Gobolka Gedo.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in ay arkeen laba diyaaradood oo laga leeyahaay dalka Kenya oo dul maraya inta u dhaxaysa Balad-Xaawo iyo Mandheera, waxaana bulshada degmadu ay sheegayaan in cabsi weyn soo food saartay, iyagoo sheegay in laga yaabo in Diyaaradaha Kenya ay duqeeyaan degaanka.

Duleedka degmada Balad Xaawo waxaa  ka dhacay dagaal la tilmaamay in uu dhex maray Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Dagaalkan ayaa ahaa mid saacado qaatay waxaa uu si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Balad Xaawo.

Lama oga Khasaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas waxaana dadka degaanku ay sheegeyn in ay macquul tahay in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaas.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee ku sugan gobolka Gedo iyo Maamulka Degmada Balad Xaawo wax war ah kama soo saarin dagaalka la sheegay in uu ka dhacay duleedka balad Xaawo.