Dolwada Soomaaliya oo Lagu Amaanay Dadalkii ay u Gashay Sideynta Dadkii Kenya Afduubatay

35

Tan iyo markii dowlada Kenya ay 23 kii bishaan degmada Ceelwaaq keentay Saddex nin oo kamid ahaa Dadkii Laga Afduubtay dhawaan deeganka yado ee Gobolka Gedo.

Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa ku wareejiyay seddexdaasi nin Odayaasha dhaqanka Dagmada Ceelwaaq ,iyo mas”uuliyiinta degmada.

Arrintaan ayaa dad badan  wax  iska weydinayeen sababta ciidanka Kenya ku rixday in ay sii dayaan dhalinyaradaasi oo ay horey u afduubteen in ay dib ugu soo celiyaan deegankii ay ka afduubteen markii  hore .

Xildhibaan Dr Cabdi Cali waxa uu ka mid ah xildhibaanda Barlamnaka Soomaaliya ayaa  waxa uu ka Hadlay in dadaal ay dowlada federalka iyo Maamulka Jubaland ay u galeyn siidii dadkaasi looga soo badbaadin laha gacanta ciidanka Kenya ay u galeyn dadaal dheer

Waxa uu sheegay in wadahadalo ka dhacay Muqdisho iyo Gedo kuwaasi oo dhamaantood lagu dalbanayay sii deynta dadkaasi u xernaa Kenya.

 Sidoo kale Xildhibaan Dr Cabdi Cali ayaa  sheegay in xildhibanada Barlamanka ay cadaadis ku sareen Xukumad Federalka soomaaliya taaso warqad u dirtay Safaaraada Kenya ay ku leedahay Muqdisho .

Tiro dhowr jeer ah ayaa waxaa  gobolka Gado-ka dhacay dibadbaxyo lagu dalbanayo siideynta dadkaasi gacanta ciidanka Kenya ku jiray isla markan lagu dhaliilay in dowlada federalka soomaaliya iyo maamulka Jubaland ay ka seexdeyn wax ka qabashada tacadiyada ay ka geesanayaan Xad beenaadka labadda dal.