Donald Trump iyo Joe Biden oo socdaal ku maraya guud dalka Mareykanka

27

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Iyo Musharaxa la tartamaya ee Joe Biden ayaa waxa ay labaduba ku sii jeedaan hadda gobolada aanan wali dhana u dhicin ee codadkooda loo baratamo.

Labada Musharax ayaa halkaasi iskusoo baxyo ugu qaban doona tageerayaashooda, Maalin-un kahor xiliga doorashada Maraykanka.

Donald Trump iyo Joe Biden ayaa Axadda oo maanta ah socdaal ku maraya guud ahaan dalkaasi iyada oo doorashada Mareykanka ay geleyso heer gabo gabo ah.

Madaxweyne Trump waxa uu qorsheeyay inuu booqdo shan gobol oo lagu dagaalamayo halka ninka la tartamaya Mr Biden uu ka hadlay munaasabad olole oo ka dhacday Pennsylvania.

Maalinta beri ah ayaa dalka mareykanka ka bilaabnaya doorashada madaxweynimo wiixi warar ah ee la xariira doorashadaasi Halkan kala Soco