Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Maanta dhaceysa

120

Shalay ayaa waxaa khudbadahooda musharaxnimo laga dhageystay ilaa lix musharax oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle & labadiisa kuxigeen.

Amaanka  Magaalada Jowhar ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana siweyn looga dareemayaa doorashada oo qorshuhu ahaa inay dhacdo Gelinka dambe ee Maanta balse Xildhibaannada lagu wargeliyay inay dhaceyso Gelinka hore, kaddib markii ay soo baxday in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed in uu ku wajahan yahay Magaalada Jowhar si uu saameyn ugu yeesho doorashada.

Jowhar ayaa siweyn looga dareemayaa doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle

Musharixiinta xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen oo lix gaaraya ayaa waxaa Magacyadoooda ay kala yihiin.

1: Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) oo u tartamaya jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

2: Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo u tartamaya Jagada Guddoomiyaha kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle.

3: Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan iyo Xildhiban Marwo Canab Axmed Ciise oo u tartamaya Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

doorashadaan ayaa kusoo aadeysaa xilli weli aan heshiis laga gaarin doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle.