Doorashada Madaxweynaha Iyo Ku-Xigeenka Hirshabeelle Oo Maanta Dhaceysa

32

Magaalada Jowhar ee Xarunta dowlada Goboledka Hirshabelle  waxaa lagu wadaa in Maanta oo Arbaco ah ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa.

Ammaanka guud ee Magaalada Jowhar ayaa Saakay  siweeyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Booliska dowladda gaar ahaan kuwa Haramcad iyo kuwa Hirshabeelle, iyadoona dhaq-dhaqaada Magaalada aad loo yareeyay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka waaweyn ee Magaalada Jowhar.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa shalay khudbado u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, iyagoo uga hadlay wax qabadkooda  ku aadan markii xilalkaas loo doorto.

Xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamaya labada Musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulkaas.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka ayaa waxaa u taagan Musharaxiinta Maxamed Maxamuud Cabdule iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa la filayaa inay si rasmi ah u doortaan Madaxweynaha hoggaamin doona maamulkaas iyo ku-xigeenkiisa, waxaana la sheegayaa in Doorashada ay tahay mid adeg.