Dowlad Goboleedka KGS oo Sharci daro ku tilmaantey ka ganacsiga Daawooyinka Maandooriyaha.

56

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa  Awaamiir ka soo saarey ka ganacsiga Maandooriyaha Tramadol.

Shir Deg Deg ah oo uu isugu  yeerey Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Dr Cali Saciid Faqi ,wasaaradda Caafimaadka Koonfuur Galbeed Soomaaliya  ,Maamulka Gobolka Baay , Sarakiisha Ciidamada Booliska ,iyo Xeer ilaaliyaha gobolka Baay , ayaa maanta  looga hadleyay waxyeelada maandooriyaha uu yeelay.

Shirka oo uu  goob joog ka  ahaa Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamanka KGS  waxaa laga soo saareyay  go’aano ku saabsan  ka ganacsiga waxyaabaha Maan dooriyaha sida Tramadol iyo wax-yaabaha  la midka  ah .

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa sharci daro ku tilmaantey ka ganacsiga Daawooyinka Maandooriyaha .

Wasiirka Wasaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jiidow  oo saxiixey go’aanka sharcigaan la soo rogey ayaa ganacsatada ugu digey qofkii  lagu arko ka ganacsiga Maandooriyaha in tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono .

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Amb Dr Cali Saciid Faqi  ayaa si cad u sheegey in dowlad Goboleedka KGS ay go’aan ka soo saartey ka ganacsiga waxyaabaha  Maandooriyaha sida Tramadol iyadoona sharci daro ku tilmaantey.

Waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay  si weyn ugu soo batey deeganada Koonfur galbeed Soomaaliya dhalinyarada isticmaasha waxyaabaha  Maandooriyaha ,iyadoona saameyn weyn ku yeelatey  Noolashooda iyo waxbarashadooda.