Dowlad Goboleedkii Ugu Horeeyay Oo War Kasoo Saartay Geerida Senator Maxamed Yuusuf

37

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle naxariistee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee dalka Kenya.

AHUN Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ahaa odey Soomaaliyeed oo waxbadan ugu fadhiyay Soomaalida ku nool iyo kuwa ka ganacsada dalka Kenya, oo uu aad ugala soo shaqeeyay arrimahooda gaarka ah iyo marxaladdaha soo wajaha noockasta ay yihiin.