Dowlada Federaalka Oo Sheegtay In Duqeyn Ay Ku Dishay Xubno Ka Tirsan Al-shabab

31

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen nawaaxiga degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelada Hoose,isla markaana ay ku dileen Sarkaal iyo xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysay saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la dilay Sarkaal bartilmaameed u ahaa Ciidamada oo ku sugnaa nawaaxiga Kuntuwaarey.

Howlgalka oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa lagu beegsaday goob la sheegay in ay isku uruursanayeen Xubno ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo qorsheynayay in ay weeraro ku soo qaadaan fariisimaha ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose.