Dowlada Feederalka oo ka hadashay doorashooyinka iyo colaadaha ka jira Mudug iyo Shabeellada dhexe.

31

Xukuumadda ayaa  ka hadashay hannaanka doorashooyinka, Amniga dalka xilliga doorashada iyo colaadaha ka jira gobollada Mudug iyo Shabeellada dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa tilaamay in Xukuumaddu ay ku taagan tahay fulinta qodobada heshiiskii ka soo baxay shirarkii Samareeb iyo Muqdisho, isla markaana ay wax walba oo la xiriira doorashooyinku ku qabsoomi doonaan xiligii lagu heshiiyey,

Wasiir Mukhtaar  ayaa  ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan sidii ay nabadgelyo ugu dhici lahayd doorashadu.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dagaallamaya deegaannada hoostada Galmudug iyo Hirshabelle in colaadda ay ku joojiyaan shuruud la’aan, isagoo tilmaamay in odayaasha dhaqanka, culimada iyo waxgaradka deegaanadaas looga baahan yahay kaalintooda ku aaddan sidii colaada loo joojin lahaa.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa faray Ciidanka amniga in ay xoojiyaan nabadgelyada xiligan muhiimka ah ee lagu jiro doorashooyinka, waxuuna xusay in amnigu uu yahay danguud oo muwaadin walba taabanaysa, loogana baahan yahay bulshadu in ciidanka ay gacan ku siiyaan sugidda amniga.