Dowlada oo kahor tagtay Hub culus oo dalka Soo galinayeen Wadamo Shisheeye iyo Hay’addo

38

War saxaafadeed kasoo baxay dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada kahor tagtay hub culus iyo rasaas aad u badan oo la doonayay in si sharci daro ah dalka loo soo galiyo laguna abuuro khal khal.

Dowlada federaalka Warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in hay’ado ajanebi ah, waddamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo isbahaystay ay maalmahan isku deyeyeen in ay hub culus iyo rasaas sharci darro ah soo geliyaan dalka

Warka kasoo baxay dowlada ayaa lagu sheegay in ay kahor tagtay qorshahan la rabay in Dalka lagu soo geliyo hub sharci darro ah iyo wax kasta oo khalkhal gelinaya nabadda iyo xasiloonida Dalka .

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xogo muhiim ah ku heshay in hay’ado ajanebi ah, waddamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo isbahaystay ay maalmahan isku deyeyeen in ay hub culus iyo rasaas sharci darro ah soo geliyaan Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo aan haba yaraatee waxba lagala socodsiin, ogolaanshana aan laga haysan hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa ay leedahay nidaam adag iyo habraac sugan oo loo maro soo gelitaanka hubka illaa meesha uu ka yimaaddo illaa barta ugu dambaysa ee lagu kaydiyo. Nidaamkaas ayaana maanta u sahlay in Dowladdu ogaato isna hortaagto hubkaas sharci darrada ah ee la rabay in la soo galiyo Dalka

Dowladda Federalka Soomaaliya qorshahan la rabay in Dalka lagu soo geliyo hub sharci darro ah iyo wax kasta oo khalkhal gelinaya nabadda iyo xasiloonida Dalka waxa ay u aragtaa duulaan lagu soo qaaday madaxbanaanida iyo xasiloonida Dalka. Mowqif adagna way iska taagaysaa.

Xukuumadda Federalka Soomaaliya waxay baaritaan ku haysaa hubkaas culus iyo rasaastaas sharci darrada ah ee Dalka la soo gelin rabay, meesha loo waday, meesha laga soo dhiibay iyo ujeedka laga lahaa