Dowlada Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigtay Gaari Qarax Ah

32

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Gendarshe ee gobolka Shabeellaha hoose waxaa la sheegay inay ku soo qabteen gaari Saaruf ah oo Al-shabaab ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa.

Taliya Guutada 16-aad ee kumaandooska Danab G/le Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin ayaa idaacadda ciidamada Qalabka sida u xaqiijiyay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen gaarigaan oo ay ka buuxaan walxaha qarxa kuna soo jeeday magaalada Muqdisho.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa sidoo kale sheegay in ciidanku ay soo qabteen miinooyin badan iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo waday.

Ciidamada DANAB ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo sidoo kale ay jireen weeraro ka dhacay tuulooyin hoostaga degmada Afgooye.