Dowlada Somalia oo Cambaareysay Madaxweynaha Farnsiiska.

29

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay hadal gaf ah oo kasoo yeeray Madaxweynaha wadanka Faransiiska.

Qoroolka ka soo baxay Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wax laga yimaado ay tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka.

Sidoo kale warka madaxtooyada ayaa lagu yiri Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka.

Ugu dambeyntii qoraalka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku biirtay hoggaamiyeyaasha caalamka ee cambaareyay hadaladii ka soo yeeray Madaxweynaha farnsiska .